LA QABSO URURKA CUDURKA MACAANKA AMA SONKOROWGA.

Fiidiyowyada jimicsi ee Ururka Cudurka Macaanka ama Sonkorowga, waxaa maal galiyay xarunta caafimaadka Norway waxay ku diyaarsan yihiin toban luuqadood Ingiriisi, Carabi,Soomaali,Turkish,Urdu,Kurmanji, Tamil,Isbaanish,Boolish. Aflaantu waxay ku tusayaan jimicsiyo kala duwan oo aad ku dooran karto inaad u isticaasho qaabab kala duwan oo jimicsi: Is diirin, Jimicsi laabta ah lambar 1, Jimicsiga goobta wareega /tababar wareeg ah oo gaar u ah awoodda iyo Jimicsi laabta ah lambar 2, iyo sidoo kale jimicsiyo loo isticmaali karo Is qaboojin iyo iskala bixin.  Qaybo jimicsi ah ayaad arkaysaa, sidaas awgeed waxa lagu siiyay fikrad guud oo ah sida aad ku horumarin karto jimicsigaaga. Waa fikrad fiican inaad u hagaajiso jimicsi walba si wanaagsan, halka ay tahay inaad la timaado wanaag.

La shaqaynta iskala bixinta iyo jimicsiyadda jidh hagaajinta ee xarumo kala duwan oo ah mid fudud iyo wadiiqo habboon oo jimicsi samayn ah, muusiko ayaa la daarikaraa marka aad samaynayso jimicsi, muusikadda oo dhan muddo 45 il-bidhiqsi ah iyo 15 il-bidhiqsi oo xilliga nasashada ah. Xarumuhu waxay u samaysan yihiin qaybo wareeg ah oo aad ku dhex socon karto mid illaa mid muddada nasashada, fursad ahaan xarumaha waa la kala xidhi karaa iyadoo jimicsiyada isku mid yihiin ka qayb qaatayaashuna ay caadi yihiin, waxaad dooran kartaa sida ugu badan ee aad u karto wareegyada jimicsi ee aad rabto inaad samayso.

Waxaan ogsoonahay in dad badani jecel yihiin inay muusiko isku dhiirri galiyaan marka ay sameynayaan jimicsi oo lagu muujiyay filin kasta, inaad daaran karto muusiko aad jeceshahay inaad dhagaysato marka aad jimicsanayso. Jimicsiga waxaad u samayn kartaa sida aad rabto iyo meesha aad rabto, dad badan way u fududahay inay billaabaan samaynta jimicsi, waa uun tallaabooyin yar iyo dhaq dhaqaaq tirsan oo jidhka iyo naftuba ka helayaan faa’iidooyin caafimaad. Caadi ahaan way fududahay in aad billawdo marka aad jimicsi la samaynaysid kuwo kale. Dhiirri galintu waxay horumarinaysaa fudayd badan oo bulshonimo. Jimicsiyadana  lala sameynayo saaxiibo ama qoys ama booqo koox dhiirri galin ah oo jaarkaaga ah. Waxaa kuu hadhay waa: is-diyaarin - hagaajin-dhiirri galin!