60 daqiiqo

Qaabka

Basasha Sauté oo digsi lagu saaraayo dab heer dhexe ah muddo 3 daqiiqo ah. Kudar toob, kadibna shiil hal daqiiqo. Kadibna kudar sanjabiil oo si fiican u walaaq.

Kudar fenugreek, xawaash iyo huruud. Si fiican u walaaq mar kasta oo aad ku darto maado kasta.

Isla markaba ku shub hilibka, si aan dhirta aad ku dartay u guban. Kari 3 daqiiqo.

Kudar yaanyo aad jarjartay kadibna walaaq.

Kudar yaanyo shiid kadibna si fiican u walaaq. Dabool oo kari muddo 30 daqiiqo ah.

Ku dar baradho iyo karooto. Dabool oo kari muddo 20 daqiiqo ah oo kale.

Kudar barbarooni oo kari muddo 10 daqiiqo ah oo kale.

Ku dar maraq basbaaska, kabsar cusub iyo caleenta mintiga. Si fiican u walaaq.

Kudar filfil kadibna si fiican u walaaq.

Maadooyinka

Si uu u deeqo 4 qof

  • 100 ml oo ah rapeseed/saliidda khudradda
  • 1 basal wayn (la jarjaray)
  • 3 fur oo toon ah (la jarjaray)
  • 1 qaado oo sanjabiil cusub ah (la jarjaray)
  • 2 qaado oo miraha fenugreek ah (la tumay)
  • 1 qaado oo kabsar ah
  • 1 qaado oo huruud buddo qalalan ah
  • 200 garaam oo hilib lo’aad ah, oo la oodkacay (waxaa lagu badeli karaa dhalaylo ari).
  • 4 xabo oo yaanyo ah (800 g) oo waawayn (la jarjaray)
  • 3 qado oo yaanyo shiidan ah
  • 2 qaado oo cusbo ah (ilaa dhadhanku ka macaado)
  • 2 xabo dhexdhxaad ah (350 g) oo baradho ah (la jarjaray)
  • 2 xabo dhexdhexaad (230 g) oo kaarooto ah (la jarjaray)
  • 1 xabo oo barbarooni cagaar ah (la jarjaray)
  • 1 qaado oo suugada basbaaska cagaaran ah - ama in kugu filan
  • 10 xabo oo kabsar caleen ah
  • 5 xabo oo caleenta mintiga ah
  • 1/2 qaado filfil ah

Cadadka nafaqada ku jirta hakii cunto ama 100 g kasta

Tamarta / Kaloriyada

435 kcal/83 kcal

Kaarboohaydareedyada

32 g/6 g

Barootiinka

17 g/3 g

Baruurta

25 g/5 g

- oo ah dufanka xaydha ah

2.5 g/0.5 g

- dufanka dareeraha ah

14 g/3 g

- dufan isku dhafan

7 g/1.5 g

Fibarka cuntada

10 g/2 g

Maadooyinka alarjiga kiciya

Gluten

Maya

Lactose

Maya

Markii u danbaysay ee dib loo eegay: 02/06/23, La daabacay: 24/05/23