60 daqiiqo

Qaabka

Ku kari biyo bilaa cusbo ah baradhada ilaa ay ka jilicdo. Ka miir biyaha kadibna isku burburi baradhada adoo ku daraaya haruur.

Ku shiil digaaga cadadka yaryar loo jarjaray saliid karkaraysa ilaa ay ka karsanto.
Kudar basasha gu’ga, cawaash, basbaas gaduud iyo kabsar cusub.

Isku qas digaaga iyo baradhada aad diyaarisay. Meel dhig ha qaboowdee.

Saar hal qaado oo cuntada ah salka hoose ee roodhiga, kadibna geeska kor u qaad adoo ku foorarinaaya geeska dheer si ay u samayso sadex xagal. Ku rog sadex xagasha geeska kale kuna celceli ilaa aad ka isticmaasho galka guud ee roodhiga. Ku xir afka hore biyo yar ama xabka cad ee ukunta.

Saliid ku shiil digsi ama bir daawo godan. Shiil saanbuuska ilaa uu midabka dahabi ah yeesho.
Ku cun yooqad. 

Maadooyinka cuntada iyo sawirka ayaa la isticmaalay ayadoo laga fasax qaatay Matprat.no. Sawirka: Mari Svenningsen. 

Cuntadaan kuma jirin mashruuca "Cunto ma ahan cunto uun kaliya", laakiin waxaan u soo jeedinaynaa inay noqoto dookh dheeri ah.

Maadooyinka

  • Si uu u deeqo 4 qof
  • 200 g oo jeexyada hibka lugta doorada ah
  • 3 baradho
  • Digirta la karshay oo kartoon 0.5 ah
  • 3 xabo oo basal ah, oo si fiican loo jarjaray
  • 1 qaado oo xawaash ah
  • ½ basbaas guduud ah, oo si fiican loo jarjaray
  • 1 qaado oo saliida caadiga ah si aad ugu shiisho
  • 2 qaado oo kabsar cusub ah, oo si fiican loo jarjaray
  • 16 jeex oo foonada saanbuuska ah
  • 500 ml oo saliid caadi ah si aad ugu shiisho

Cadadka nafaqada ku jirta hakii cunto ama 100 g kasta

Tamarta / Kaloriyada

820 kcal/300 kcal

Kaarboohaydareedyada

68 g/25 g

Barootiinka

22 g/8 g

Baruurta

50.5 g/18 g

- oo ah dufanka xaydha ah

4.5 g/2 g

- dufanka dareeraha ah

22 g/8 g

- dufan isku dhafan

20.5 g/7.5 g

Fibarka cuntada

4.5 g/2 g

Maadooyinka alarjiga kiciya

Gluten

Haa

Lactose

Maya

Markii u danbaysay ee dib loo eegay: 07/06/23, La daabacay: 25/05/23